Twitxy Saved

AUSSOM

Verified account This account is verified. Learn more

@aussom_

Official account of the African Union Support and Stabilization Mission in #Somalia (#AUSSOM).
Somalia au-ssom.org Joined March 2010
287 Following 271K Followers 1.8K Posts

Latest posts 5

AUSSOM Verified account @aussom_
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, mudane Cabdifataax Saciid Axmed ayaa bogaadiyey kaalinta ciidamada Uganda (UPDF) ee AUSSOM ay ka qaataan nabadda iyo xasilloonida gobolka. Intii uu kulanka kula lahaa xarunta Embresso ee degmada Baraawe, taliyaha colka 45-aad ee Uganda (UPDF), Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene, guddoomiyaha ayaa ammaanay xirfadda, anshaxa iyo xiriirka wanaagsan ee ciidamadu ay la leeyihiin dadka deegaanka. Waxa uu Uganda uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Dr. Musenene ayaa ugu baaqay Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa, midnimada iyo ixtiraamka dadka rayidka ah isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay arrimahaas u leeyihiin dhisidda kalsoonida bulshada iyo adkeynta Amniga Qaranka. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey Dowladda Koonfur Galbeed iyo dadka deegaanka wada-shaqaynta ee ay la leeyihiin awgeed.

Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cilmi ayaa bogaadiyey iskaashiga u dhexeeya ciidamada Uganda (UPDF) iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed (SNAF) ee dhinacyada howlgallada wadajirka ah iyo xog is-weydaarsiga, isaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadista wada-shaqayntaas. #AUSSOMIyoQaybaheeda.
0 replies 2 reposts 6 likes 1.7K views View on X
AUSSOM Verified account @aussom_
Dhakhaatiirta AUSSOM ee ka howlgala Isbitaalka heerka labaad ee qaybta 4-aad, magaalada Beledweyne ayaa badbaadiyey nolosha ilmo yar oo afar jir ah kaas oo uu lugta ka qaniinay mas sun leh. Kooxda caafimaadka ayaa si degdeg ah u siisay dawada ka hortagga sunta maska iyagoo isla markaa u fidiyey daryeel caafimaad oo degdeg ah kaas oo suurageliyey in xaaladiisa caafimaad la dajiyo.

Madaxa isbitaalka, Gaashaanle Dhexe Dr. Tadese Misgie ayaa sheegay in qaniinyada masaska ay ku badan tahay magaalada Beledweyne isagoo xaqiijiyey sida xarunta caafimaadka uga go’an tahay in ay dadka deegaanka siiso adeegyo caafimaad oo naf-badbaadin ah.

Gurmadkan caafimaad ayaa muujinaya taageerada joogtada ah ee AUSSOM ay siiso bulshada ku nool degaannada ay ka howlgasho iyadoo dadka rayidka u fidisa adeegyo caafimaad oo barbar socda dedaalka ay ugu jirto taageeridda nabadda iyo amniga Soomaaliya. #AUSSOMIyoQaybaheeda.
AUSSOM Verified account @aussom_
#AUSSOM doctors at Sector 4 Level 2 Hospital in #Beletweyne saved the life of a four-year-old child after he was bitten on the leg by a venomous snake. The medical team promptly administered antivenom and provided emergency care, successfully stabilising his condition.

Head of the hospital, Lt. Col. Dr. Tadesse Misgie said snakebites are common in Beletweyne and reaffirmed the facility’s commitment to providing life-saving medical assistance to local communities.

The intervention reflects AUSSOM’s continued support to communities in its areas of operation, extending medical care to civilians, alongside efforts to support peace and security in #Somalia. #AUSSOMInTheSectors
AUSSOM Verified account @aussom_
Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee AUSSOM, Danjire Mouktar Osman Karie ayaa maanta kulan la yeeshay ku-xigeenka safaarradda Norway ee Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, hirgelinta waajibaadka AUSSOM iyo geeddi-socodka kala-guurka amniga ee socda. Waxa kale oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga wadajirka ah ee lagu taageerayo dedaallada amni ee ay Soomaalidu hoggaaminayso

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
AUSSOM Verified account @aussom_
Lower Shabelle Governor Abdifatah Said Ahmed has commended #AUSSOM #UPDF troops for their contribution to peace and stability in the region.

During a meeting with #UPDF Battle Group 45 Commander, Col. Dr. Justus Musenene in Embresso, Barawe District, the Governor praised the troops’ professionalism, discipline and engagement with local communities. He thanked Uganda for its continued support to #Somalia.

Col. Dr. Musenene urged @SNAForce personnel to uphold discipline, unity and respect for civilians, emphasising their importance in building public trust and strengthening national security. He also thanked the South-West State Government and local communities for their cooperation.

SNAF 08 Brigade Commander, Col. Abdurahman Elmi commended the #UPDF–#SNAF partnership in joint operations and information sharing, reaffirming their commitment to continued cooperation. #AUSSOMInTheSectors